A
Voice Of New Americans
|
weriye
Cabdilahi nur Maxamed oo loo yaqaano
kolombo waxuu ku dhashay
magaala madaxda soomaaliya ee Muqdisho.sanadkii 1963kii. caruurnimadiisii waxaa la geeyey dugsiga lagu barto quraanka taasoo
caadiyan caruurta soomaaliyeed ee muslimiinta ah la geeyo halkaas ayuu ku bartay quraanka kariimka ah.waxbarashadiisii dugsiga hoose waxuu ku qaatay dugsigii loo aqoon jirey Macalin jaamac kaasoo ka horjeedey golaha murtida iyo madadaalada.ilaa waxbarashadiisa dugsiga sare waxuu ku qaatay magaalada muqdisho. weriye cabdilahi nur kolombo waxaa iska dhalay aabe ganacsade ladan iyo hooyo guri joogta ah. shaqada weriyenimada waxay ahayd mid ilaa yaraantiisii uu aad u jeclaa iskuulka uu dhigan jirey ayuu ardeyda hortooda intuu soo istaago ayuu waxuu u aqrin jirey wararka ay idaacada raadiyo muqdsiho sii deyso waxay riyadiisii u rumoowdey sanadkii 1981kii dhamaadkiisii ka dib markii uu imtixaan uu u galay wasaarada warfaafinta uu ku guuleystey. weriye cabdilahi nur maxamed kolombo waxuu ku soo caan baxay barnaamijkii ciyaaraha ee raadiyo muqdisho ka bixi jirey 1.duhurnimo iyo 7,fiidnimo oo lagu soo celin jirey waxaana dadku ay aad uga heli jireen sida barnaamijka ciyaaraha uu u sameyn jirey waxaana dadka soomaaliyeed ay ku xusuustaan markii u ka sheekeyn jirey tiirakhaha ciyaartoyda ajaanibta iyo kuwa soomaaliyeed si gaar ahna waxaa loogu sii xasuustaa taariikhahii boqorka kubada cagta ee aduunka "PELE" michel platini.diiqii reer faransa.powlo rosi. diego armanda maradona dhinaca soomaalida binshakir.shaash.muqtar cuti.joorje.shiikhaalow. jeylani khaliif.cabdi bile.shiikha iyo kuwo kale oo badan. cabdilahi kolombo waxuu warfaafinta soomaaliyeed ku soo jirey mudo ku dhaw labaatan sano hada waxuu degan yahay wadanka mareykanka gaar ahaan Atlanta Georgia waxuuna ka shaqeeyaa idaacad af soomaali ku hadasha oo lagu magacaabo"sagal radio" mudadii uu joogey mareykanka waxuu ka soo shaqeeyey telefishin soomaaliyeed oo lagu magacaabo "somali tv" waxuu kaloo ka soo shaqeeyey idaacad lagu magacaabo inter national radio iyo rochester tv.waxuu kaloo ka soo shaqeeyey radio hargeysa. weriye cabdilahi nur kolombo waxuu u mahad naqayaa walaalkii ku dhiiri gelin jirey weriyenimada mar kastana garab taagnaa.cabdiraxman nuur maxamed.diinaari.waxuu kaloo u mahad naqayaa dhamaan dadka soomaliyeed inta muuqiisa iyo magaciidsa taqaan.waxuu salaamayaa dhamaan ragii iyo gabdhahii weriyeyaasha ahaa ee ay soo wada shaqeeyeen. ugu dambeyntii waxuu salaan kal iyo laab ah u dirayaa bah weynta isbortiga soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan aduunka. |